Natiijada ciyaarihii xalay dhacay euro 2012 holland vs denmark iyo germany vs portugal. | www.somalifootball.com

Related Post

Published on June 10, 2012 by Bile   ·   No Comments

Waxaa xalay wada ciyaaray Xulalka Holland Vs Denmark iyo Germany Vs Poortugal. Group ka B oo lagu sheegay in uu yahay group ka geerida ayaa waxaa marka hore wada ciyaaray ciyaar ay dadku lafajaceen Xulalka Holland iyo Denmark, ciyaartaan oo la islahaa waxaa awood iyo ciyaar lalayaabay soo bandhigi doonta Xulka kasocda dalka Holland ayaa noqotay mid is rogtay oo sidii lafilaayay aan noqon.

Ciyaarta Holland iyo Denmark oo ahayd mid aad u kulul waxaa daqiiqadii 24 aad ciyaarta qeybteeda hore u dhaliyay Xulka Denmark gool aad u quruxbadan ciyaaryahaanka usita lambarka 9 aad laguna magacaabo M. Krohn-Dehli. Inkastoo ay Xulka Holland isku dayeen in ay soo barbareeyaan hadana waa usuura geli weysay.

Ciyaarta qeybteeda labaad Xulka Holland waxa ay isku dayeen in ay helaan goolka barbaraha ama bareejada balse nasiib daro waa ay ku guul daraysteen. Inkastoo Xulka Holland ay sameeyeen dadaal badan hadana ciyaarta Holland iyo Denmark waxa ay kusoo gaba gabowday 1-0 oo ay guushu kuraacday Xulka Dalka Denmark. Waxaa ciyaartaan usoo daawasho tegay dad gaaraya 35,923.

Waxaa sidoo kale ciyaar aad uxiisa badan dhexmartay Xulalka Germany iyo Portugal, ciyaartaan oo ahayd mid ay dadka wada dhowrayeen ayaa iyana waxa ay kubilaabatay dar dar xoog leh oo ay sameeyeen labada Xul. Inkastoo Germany iyo Portugal ay ahaayeen laba Xul oo isu dhigma isla markaana ah isku awood ayaa hadana waxa ay dadku saadaalinayeen in Xulka dalka Portugal adkaan doono maadaama ay u ciyaaraan ciyaar yahaano halis ah sida C.Ronaldo, Nani.

Ciyaartaan oo ahayd mid xiisaheeda leh ayaa waxa ay kusoo gababowday qeybteeda hore barbardhac 0-0. Balse markii la isugu soo laabtay qeybta labaad waxa ay labada Xul bilaabeen sidii ay gool ku heli lahaayeen, isku day farabadan kadib waxaa Xulka Dalka Germany usuura gashay in ay helaan gool daqiiqadii 72 aad. waxaana u dhaliyay goolka ciyaaryahaanka lagu magacaabo M. Gomez. Waxaa ciyaartaan usoo daawasho tagay dad gaaraya 32,990.

Dad badan ayaa waxay filaayeen in ciyaartaan kusoo gaba gaboobi doonto bar baro balse masuuroobin. Hadaba waxaa group ka B hogaanka u qabtay labada xul ee kala ah Denmark iyo Gemany maadaama ay kasoo kala badiyeen Xulalka Portugal iyo Holland.

Waxaa caawa lafilayaa in ay dhacdo ciyaaro aad u adag, waxaa wada ciyaari doono Xulalka Spain Vs Italy iyo Rep. of Ireland iyo Croatia. Ciyaarta dhexmari doonta Spain iyo Italy ayaa ah mid aad uxiisa badan isla markaana dadku ay wada sugaayaan.

Edin Dzeko ayaa shaaca ka qaaday in uusan dooneyn inuu ka tago naadiga Manchester City, xili cayaaryahanka lala …

Weeraryahanka Naadiga Paris-Saint-Germain cayaaryahan Zlatan Ibrahimovic ayaa si xamaasadeysan u sheegay inuu soo dhaweynayo ku laabashada Naadigiiisi Hore …

Daafaca Naadiga Liverpool Cyaaryahan Daniel Agger ayaa meesha ka saaray mugdigi ku jiray lasii joogitaankiisa Naadiga, kadib markii …

Horyaalka Kubada cagta ee Dalka England ayaa waxaa laga cayaaray Kulamadiisi 6aad ee wareega Koowaad, Kulamada la cayaaray …

Macalinka Naadiga Kubada Cagta Ee Real Madrid Jose Mourinho ayaa ka dhawaajiyay in Khabirka Naadiga Chelsea Cayaaryahay John …

Qaar ka mid ah xaqiiqooyinka dhacay ka dib markii Spain ay 4-0 kaga qaaday koobka Euro 2012 xulka …

Kabtanka xulka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa xaqiijiyay inuu ogolaaday inuu tuuro rigoorada shanaad ee xulkiisa ciyaartii xalay ay …

Xulka kubadda cagta ee Spain ayaa rigooyaal 4-2 ugu guuleystey xulka Portugal markii ay xaley garoonka Donbas Arena …

Waxaa la soo gaba gabeeyay wajigii hore ee koobka Qaramada Yurub waxaana Euro 2012 iskugu soo haray 8-dal …

Waxaa Xalay lasoo gaba gabeeyay is araga hore ciyaaraha Euro 2012. Waxaa xalay la ciyaaray Group D oo …

Leave a Comment